
Dilka Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa ka dhacay xaafada Philippi Valley, waxaana dilkiisa geystay burcad hubeysneyd oo u dhalatay dalkaasi Koonfur Afrika, kuwaas oo isaga baxday goobta dilka kadib.
Allah u naxariistee muwaadin Soomaaliyeed ee Xalay la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Abshir Cali Xuseen, waxaana burcadu ay ku dhex dileen goob ganacsi oo uu ku lahaa degmada Philippi.
Ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Koonfur Afrika oo gaaray dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay baarayan dhacdada falka dilka ah iyo burcada ka dambeeysay, walow aysan jirin cid ay u soo qabteen dilka Marxuumka.
Si kastaba ha ahaate magaalooyinka dalka Koonfur Afrika waxaa inta badan dil, dhaawac iyo boob loogu geysta dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku leh ganacsiyada, waxaana dowladda Koonfur Afrika ay sheegta mar waliba iney wax ka qaban doonto dhibaatooyinka ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda.