13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Taliye Janan: Axmed Madoobe waa qaran dumis waana ka xoraynaynaa Jubbaland

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, Agoosto 15, 2025 (HOL) – Taliyaha Nabad Sugidda Jubbaland, Cabdirashiid Janan, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu yahay qaran diid dhibaato ku ah shacabka Jubbaland”, isla markaana dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay Jubbaland ka xoreyso gacantiisa.

Janan oo horey usoo noqday wasiirkii amniga Jubbaland, ayaa sheegay, Axmed Madoobe inuu Jubbaland u beddelay maamulka qofka keliya gacanta ugu jira, isagoo sheegay inuu cadaadis ku haya cid kasta oo ka aragti duwan.

Waxa uu sheegay in si joogto ah uu ugu adeegto qabiil mar kasta oo uu wajaho mucaaradnimo, taas oo uu ku tilmaamay xeelad uu bulshada ku kala fogeynayo”.

“Waxaan ognahay in Axmed Madoobe uu u sheegay saraakiil kasoo jeeda Gedo in ay Gedo tagaan, guryahoodana soo dumaan, isagoo u ballan qaaday darajooyin iyo hanti,” ayuu yiri Janan.

Wuxuu intaas ku daray in qaar kamid ah saraakiishaas ay durba kusoo biireen dowladda federaalka, halka kuwo kalena uu rajaynayo in marka ay yimaadaan gobolka ay iyaguna doortaan inay ka mid noqdaan ciidanka qaranka.

Waxa uu  sidoo kale sheegay in Axmed Madoobe uu isagu hortaagan yahay in la xoreeyo degmada Bu’aale oo ah caasimadda Jubbalad. Janan wuxuu sheegay, Axmed Madoobe inuu aaminsan yahay in haddii la xoreeyo Bu’aale maamulka lagala wareegayo.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).