
Madaxweynahii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa murugo leh ku tilmaamay dagaalka maanta ka dhacay degmada Hodan ee sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray ciidanka dowladda iyo kuwa xaafada Horseed ee degmada Hodan.
“Bulshada birmo-gaydada ah ee maanta ay ciidamada dowladdu ku weerareen degmada Hodon, dadka lagu dhex dilay hoygooda, dhallinyarada, haweenka iyo ilmaha hubka culus loo adeegsaday waa arrin murugo badan oo dhaawacaya kalsoonida shacabka ee dowladda” ayaa lagu yiri Warsaxafadeed uu soo saaray Madaxweynahii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sido kale qoraalkiisa ku sheegay in ciidanka Soomaaliyeed waajib ku yahay ilaalinta nafta iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxuuna uga digay in cabashada dadweynaha ay uga jawaab celiyaan xabad iyo dhiig daadin.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa dhankiisa Warsaxafadeed uu soo saaray si adag ugu cambaareeyay dagaalka maanta ka dhacay xaafada Horseed ee ku taala degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
“Waxaan si adag u cambaareynayaa duullaanka loo adeegsaday Ciidanka Qaranka ee lagu qaaday xaafadda Horseed ee Degmada Hodan, halkaas oo ay ku geeriyoodeen dad shacab ah islamarkaana lagu burburiyay xaafado dad danyar ah ay ku nool yihiin” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Shariif Sheekh Axmed.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay inaan la aqbali Karin in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu weerar ku qaado dadka shacabka, islamarkaana uu adeegsado ciidanka dowladda.
“Waa ayaan darro iyo wax aan sinnaba loo aqbali karin in Madaxweyne Xasan oo dalka u dhaaratay oo la rabay inuu ilaaliyo nafta iyo maalka muwaadinka uu iyagii kusoo hoos noqdo isagoo adeegsanaya ciidankii Xoogga. Ciidamada Soomaaliyeed waxaa loo dhisay inay la dagaallamaan cadawga ummadda ee looma dhisin, in loo adeegsado dhulboob, caburrin bulsho iyo danno siyaasadeed oo gaar ah”ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Shariif Sheekh Axmed
Cambaareynta madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa imaaneysa, iyadoo aroornimadii hore ee saakay uu dagaal khasaare kala duwan geystay ku dhexmaray xaafada Horseed ee degmada Hodan ciidanka dowladda iyo kuwa u abaabulna hab deegaan oo kasoo horjeeday burburin dowladdu ku sameyn rabto xaafadaas.