13 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Golaha Samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed oo Shir Deg Deg ah uga socda Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, Agoosto 14, 2025 (HOL) – Shir ayaa haatan ka socda magaalada Muqdisho, kaasi oo ay leeyihiin xubno ka tirsan mucaaradka, gaar ahaan Golaha Samatabixinta Qaranka, iyagoo kaga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Shirkan wuxuu daba socda wadatashiyo dhowr ah oo ay bilihii la soo dhaafay la yeesheen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo in ay Dowladdu aysan ka jawaabin qaar kamid ah dalabaadka Mucaaradka ee wax kabadelka Dastuurka iyo arrimaha Doorashada.

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow shirka ayaa sheegay in mucaaradku dib u eegayaan natiijooyinkii kasoo baxay kulankoodii shalay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo ka dhacay madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Kulankaas ayaa la sheegay inuu kusoo dhammaaday is-faham la’aan, iyadoo dood kulul laga yeeshay isbeddellada lagu samaynayo dastuurka, gaar ahaan cutubka afraad ee dastuurka oo ka hadlaya habraacyada doorashooyinka iyo awoodaha dowladda.

Xubnaha mucaaradka ayaa la filayaa inay warbaahinta la hadlaan si ay uga faalloodaan qodobbada lagu muransanaa iyo walaacyadooda siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bilihii u dambeeyay qaadayay dadaallo uu ku doonayo inuu ku xalliyo tabashooyinka mucaaradka, si loo helo hannaan doorasho oo loo dhan yahay oo ay bulshadu si ballaaran u aqbasho.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).