
Muhaajiriinta saarnaa doonyaha waxay kasoo baxeen dalka Libya, waxayna kasoo jeedaan waddamada Pakistan, Sudan, iyo Soomaaliya, waxaana saraakiisha Jasiirada ay xuseen in waqti badan ay badda kusoo jireen.
Mas’uuliyiinta jasiiradda Lampedusa ayaa sheegay in meydadka la helay lagu sameynayo baaritaanno caafimaad, inkastoo ay jiraan caqabado la xiriira meelaha lagu hayo meydadka oo kooban, Dhakhaatiirta jasiiradda ayaa si degdeg ah uga shaqeynaya si ay u dhammeeyaan baaritaannada.
60 qof ayaa laga soo badbaadiyey dhacdadaan, iyadoo afar kamid ah ay qabaan dhaawacyo sida laf jabtay, waxaana la dhigay isbitaal si loo daryeelo.
Meydka ilma yar oo gabadh ah oo hal sano jir ahayd ayaa sidoo kale laga helay biyaha, taasoo sii xumeysay xaaladda murugada leh.