
Wakaaladda wararka ee Saudi Press Agency ayaa ku warrantay in afar muwaadin Soomaaliyeed iyo saddex muwaadin Itoobiyaan ah lagu fuliyay xukun dil ah gobolka koonfureed ee Najraan, ka dib markii lagu helay dambiga ah in ay boqortooyada soo geliyeen xashiish”.
Hal nin oo Sacuudi ah ayaa sidoo kale lagu fuliyay dil, kadib markii lagu helay dambiga ah inuu hooyadiis dilay.
Dilalkan ugu dambeeyay ayaa yimid iyadoo ay sii kordhayaan xukunno dil oo inta badan lagu beegsanayo ajaanib lagu eedeeyay dambiyo la xiriira daroogada. Hay’adaha fadhigoodu yahay UK ee Reprieve iyo ururka Xuquuqda Aadanaha ee Sacuudi Carabiya (ESOHR) ayaa xaaladdan ku tilmaamay “dhibaatadii ugu weyneyd ee dilal ah ee abid la arko”.
Tan iyo markii dowladda Sacuudigu ay 2021 ka qaaday xayiraaddii aan rasmi ahayn ee ka jirtey xukunka dilka ee dambiyada daroogada, boqortooyadu waxay si weyn u kordhisay fulinta xukunadaas.
Sannadkii 2024, Sacuudi Carabiya waxay fulisay dilkii ugu badnaa taariikhda boqortooyada — 345 qof, iyadoo ku dhowaad kala bar lagu helay dambiyo daroogo, sida ay sheegtay Reprieve.
Sanadkan 2025, waxaa la filayaa in rikoodhkaas la jebiyo, iyadoo ilaa hadda la dilay 230 qof, 154 ka mid ahna lagu helay dambiyo la xiriira daroogada, sida uu sheegay tirakoob uu sameeyay AFP.
Ajaanibta ayaa si gaar ah khatar ugu jira, iyadoo 2024 keliya la dilay 92 muwaadin shisheeye.