
Senator-ka oo bayaan ku daabacay baraha bulshada ayaa sheegay in dowladda Kenya ay waajib dastuuri ah ku tahay ilaalinta muwaadiniinteeda, islamarkaana aysan suurogal ahayn in arrintan laga aamuso.
Wuxuu carabka ku adkeeyay in dagaallada u dhexeeya ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ay si toos ah u saameeyeen gudaha Kenya.
Ruba wuxuu sheegay in rasaas, iyo hub nool oo ka soo gudbaya xadka ay dhaawacyo u geysteen dad rayid ah, ay burburiyeen hanti, isla markaana ay cabsi xoog leh ku abuureen shacabka Mandera.
Wuxuu xusay in noloshii maalinlaha ahayd si weyn u wiiqantay, carruurta aan banaanka u ciyaari karin, qoysaska cabsi la nool, iyo ganacsiyada oo xirmaya waqti hore sababo la xiriira cabsi laga qabo weerarro ka iman kara xadka.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland waa in si cad loogu sheegaa in dagaalkooda uu ku faafayo dhulka Kenya oo uu jabinayo madax-bannaanideenna,” ayuu yiri Senator Ruba.
Senator Ruba wuxuu ugu baaqay Dowladda Kenya in ay si toos ah uga digto madaxda Muqdisho iyo kuwa Jubbaland in rabshadaha saameynaya shacabka Mandera aan la aqbali karin, Wuxuu carabka ku adkeeyay in dowladdu ay masuul ka tahay ilaalinta nolosha iyo hantida muwaadiniinta Mandera “si kasta oo ay tahay.”
Wuxuu sidoo kale sheegay in wax ka qabashada arrintan ay tahay lama huraan si loo badbaadiyo dadka ku nool deegaannada xuduudka oo aan wax shaqo ah ku lahayn dagaallada Soomaalida dhexdooda ah.