
Labada askari ee la toogtay ayaa kala ahaa, Ex Alifle Xoogga Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable Xoogga Aadan Isaaq Yarow, oo sidoo kale loo yaqaan “Salaad Koofi”, Maxkamadda ayaa ku heshay dambiga ah in ay si toos ah uga qayb qaateen dilka Abaanduulihii Ururka 83-aad, Ex Dhamme Xoogga Ceydiid Maxamed Cali, kaasi oo lagu dilay qarax si dhuumaalaysi ah loogu dhajiyey sariirtiisa.
Sida lagu sheegay warbixinta maxkamadda, Buulle iyo Salaad Koofi ayaa la shaqeynayay kooxda Al shabaab, iyagoo gudaha ugalay xerada ciidanka, taasoo sahashay in ay si fudud u geliyaan miinada lagu dilay Abaanduulaha.
Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegtay in go’aanka fulinta xukunka uu ahaa mid dhab ah oo la marsiiyay dhammaan hanaanka sharciga ah, iyadoo markhaatiyo, cadeymo iyo qiraalo ay door weyn ka ciyaareen go’aanka maxkamadda.
Xukunka dilka ah ayaa maanta si rasmi ah looga fuliyay ragaan, iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan iyo xubno ka socday hay’adaha garsoorka ay goobjoog ahaayeen.
Fulinta xukunkan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ku dooneyso in lagu xakameeyo khatarta Al shabaab iyo saameynta mararka qaar ee soo ifbaxda ay ku yeshaan gudaha ciidamada.