27-da Luulyo, Xuutiyiintu waxay baahiyeen muuqaallo muujinaya dhowr ka mid ah shaqaalihii markabka oo u muuqda in muddo toddobaadyo ah la hayay. Muuqaalladaasi waxay soo bandhigayaan badmaaxayaashii oo sida la sheegay lagu qasbay sheegashooyin been abuur ah, taasoo dhalisay walaac weyn oo ah in qiraaladooda lagu khasbay. Arrintan ayaa loo arkaa xadgudub ka dhan ah karaamada bini’aadamka iyo fal dambi dagaal oo muuqda.
Weerarka lagu qaaday Eternity C iyo markab kale oo la yiraahdo Magic Seas, intii u dhaxaysay 6-da ilaa 8-da Luulyo, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan afar ka mid ah 25-kii shaqaale ee saarnaa Eternity C, halka ugu dambeyntiina labadii markabba ay quuseen. Xuutiyiintu waxay sheegeen in ay badbaadiyeen 10 shaqaale, balse weli waxay hayaan dadkaas iyadoo aan wax sharci ah loo cuskanin.
Human Rights Watch ayaa horay u tilmaantay in weeraradaasi ay u muuqdaan falal dambi dagaal ah, isla markaana lagu bartilmaameedsaday maraakiib rayid ah.
Xuutiyiintu waxay marar badan sheegtaan in ay weerarayaan maraakiib xiriir la leh Israel, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Falastiiniyiinta Gaza. Balse kiiskan Eternity C wuxuu ahaa markab cunto gargaar ah u siday dad baahan.
Tani ma ahan markii ugu horreysay ee Xuutiyiintu faafiyaan muuqaallo. Bishii Juun 2024, waxa ay sii daayeen muuqaallo iyo qoraallo ay kusoo bandhigeen rag Yemeni ah oo qiraya in ay u basaasayeen Mareykanka iyo Israel, taasoo ay Human Rights Watch ku sheegtay in shaqaalaha lagu sameeyay jirdil iyo cabsi gelin.
Xuutiyiintu weli ma aysan bixin wax sharci ah oo sal u ah sababta ay u hayaan shaqaalaha markabka, kuwaas oo sagaal ka mid ahi ay kasoo jeedaan dalka Filibiin, sida ay sheegtay Wasaaradda Shaqaalaha Qurbaha ee dalkaasi.