11.8 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Puntland oo markii ugu horraysay yeelatay hay’adda aqoonsiga dadweynaha

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, April 9, 2025 (HOL) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer madaxweyne oo lagu dhisay hay’ad lagu magacaabo hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID).

Tallaabadan cusub ayaa imaaneysa iyadoo uu taagan yahay khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan bixinta aqoonsiga dadweynaha oo ay Dowladda dhexe ee Federaalka dhawaan bilawday.

Puntland ayaa horey u diiday in barnaamijkaas laga hirgeliyo deegaanadeeda, iyadoo ku andacoonaysa in arrimaha aqoonsiga qaranku yihiin kuwo aan laga heshiinin  oo la isku khilaafsan yahay.

Maalmo ka hor, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay, in dhammaan hay’adaha bixiya adeegyada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay si waajib ah u bilaabaan isticmaalka kaarka aqoonsiga qaranka ee biometriga si loo xaqiijiyo loona ansixiyo aqoonsiga muwaadiniinta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali, ayaa sheegay in kaarka aqoonsiga qaranka lagu xiro adeegyada kala duwan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).