
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa xaqiijisay in Masar ay ka go’an tahay sii wadida taageerada dadaallada dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan xaqiijinta amniga, xasilloonida iyo la dagaallanka argagixisada.
Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Masar ayaa markale waxa ay ku celisay inay taageerayaan midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Masar ayaa bogaadisay dadaallada socda ee ay wadaan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika, waxayna caddeysay inay ka go’an tahay inay taageerto dhammaan dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan in labaatan waddan oo saxiibadda Soomaaliya ah ay war ay soo saareen kusoo dhoweeyeen shirka wadatashiga Qaran ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay.