9.7 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xaqiijiyay inuu booqanayo magaalada Laascanood

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Axad, April 6, 2025 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u xaqiijiyay inuu booqan doono magaalada Laascanood ee gobolka Sool kadib markii maalmahaan la is dhex marayay in Ra’iisul wasaaraha booqan doono magaaladaasi.

Hadalkaan ayuu ka sheegay isagoo ka qeyb galayay xaflad xil wareejinta ee ka dhaceysay wasaradda Gaashandhiga oo ay wasiirka cusub ee Gaashandhiga iyo midkii hore ay xilalka ku kala wareegayeen, waxa uu xusay in ujeedka booqashadiisa ay noqon doonto xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo iyo Dowladda federaalka.

“Waxaan booqan doonaa magaalada Laascanood balse waa waqti go’an oo ay kawada shaqeyn doonaan xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo hogaanka Maamulka SSC Khaatumo ee waxaan rajeenayaa in iyaga aan ka war sugno” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamsa.

Waxa uu shaaca ka qaaday in booqashadiisa aysan ahayn mid wax loogu dhimayo degaan ama Maamul Soomaaliyeed ama lagu kala fogeenayo dadka Soomaaliyeed balse waxa uu ku tilmaamay inuu yahay mid laisku soo dhoweenayo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Diinta iyo Awqaafta maamulka KMG SSC Khaatumo Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa warbaahinta u sheegay iney u diyaar garoobeen soo dhoweynta Raysal wasaare Soomaaliya.

“Waxaan u diyaar garoownay imaanshaha Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la filayo inuu yimaado magaalada Laascaanood” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Diinta iyo Awqaafta maamulka SSC Khaatumo Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).