9.7 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Madaxtooyada Soomaaliya oo ka warbixisay Shirkii u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, April 5, 2025 (HOL) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay Shirkii u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada Koofurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, kaas oo horudhac u ah baaqii Madaxweynaha ee dadaallada lagu mideynayo shacabka Soomaaliyeed.

Shirkaan ayaa sidoo kale xambaarsanaa ahmiyada ay leedahay dardargelinta si loo laba-jibaarro hawlgallada lagu ciribtirayo Al shabaab oo ay iska kaashanayaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

Kulanka ayaa lagu wadaagay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo hawlgallada hadda socda,
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay madaxweynayaasha dowlad-goballeedyada kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan abaabulka iyo isku-duwidda dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.

Intii uu kulanku socday ayay madaxdu ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay in loo diyaargaroobo gogosha qaran ee dhawaan uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo ujeedkeedu yahay in la abuuro jawi midnimo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xasuusan in guulaha waaweyn ee laga gaaray la-dagaallanka argagaxisada ay ku yimaadeen taageerada hagar-la’aanta ah ee ay shacabka Soomaaliyeed la garab-taaganyihiin geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).