
Taliyaha waxaa uu ku sugnaa degaanka Cadow Dibille oo u dhaxeeyaa Degmada Afgooye iyo Laanta Buure ee Gobolka Shabeelaha Hoose markii uu rasaasta ku dhaceysay waxaa uu kasoo baxayay goob guri ah.
Taliyaha ayaa inta badan waxa uu hogaan u ahaa isku dubridka ciidamada Dowladda ee dagaalka kula jira Al shabaab ee ka socda Shabeellaha Hoose.
Xogaha kale aynu heleyno ayaa sheegaya in taliyaha markii la dilaayay uu la hadli rabay askar feel ku jirtay kuwaasi oo loo diyaarinayay howlgal ka dhan ah Al shabaab.
Lama oga ilaa iyo hadda hadii askariga ku labisnaa dareeska ciidanka uu ahaa qof Al shabaab ka tirsan ama Ciidanka Dowladda, waxaan idinla soo wadaagi doono sida ay laamaha amaanka uga warbixiyaan.