12.3 C
London
Tuesday, October 21, 2025

AFRICOM: Mareykanka oo ballaarinaya duqeymaha ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, April 5, 2025 (HOL) – Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Gen. Michael Langley, ayaa u sheegay guddiga Senate-ka u qaabilsan ciidamada Mareykanka in Mareykanku ballaarin doono howlgallada ka dhanka ah Daacish ee Soomaaliya.

“Madaxweynaha iyo xoghayaha gaashaandhigga waxay i siiyeen awood ballaaran oo aan ku beegsado oo aan ku duqeyno si xooggan oo degdeg ah,” ayuu yiri Gen. Michael Langley.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka duqeyn cirka ah oo ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen saraakiil badan oo ka tirsan Daacish.

Waxa uu tilmaamay in sidoo kale la xoojiyay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, taas oo uu sheegay inay sare u qaadday dhimashadooda.

“Si adag ayaan u garaacaynaa, hadda waxaan awood u leeyahay inaan si adag u garaacno Shabaab iyo Daacish,” ayuu yiri Gen. Michael Langley.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa amar ku bixiyay in la beegsado kooxda ISIS ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee Puntland, iyo Shabaabka ku sugan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Trump ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaalka lagu ciribtirayo argagixisada caalamiga ah, isagoo xusay in aysan jiri doonin meel ay ku dhuuntaan kooxaha argagixisada ah.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).