
Wararka ayaa intaa ku daraya in Howlgalkan, oo si taxaddar leh loo diyaariyay, lagu weeraray fariisimo ay Kooxda Al shabaab ku lahaayeen deegaanka Qabri Shariif ee Gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiisha howlgalkaan hogaamineysay ayaa shaaca ka qaaday in tiro badan oo ka tirsan dagaalamayaasha Al shabaab lagu dilay howlgalka inta uu socday, halka kuwa kale ay baxsadeen iyagoo dhaawac ah, balse ay ciidamadu si dhow u daba joogaan.
Sidoo kale Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalkaan ayaa caddeeyay in la burburiyay xarumihii ay Al shabaab kaga dhuumaalaysanaayeen deegaanka, isla markaana la fashiliyey qorshayaal ay damacsanaayeen inay fuliyaan.
Maalmihii ugu dambeeyay degaanada Jubbada Hoose waxa ay ciidamada Jubbaland ka wadeen howlgal ka dhan ah Kooxda Al shabaab iyo mid si guud loogu sugayo amaanka degaanada Jubalanad ay ka arrimiso.