12.2 C
London
Tuesday, October 21, 2025

In ka badan 10 ruux oo ku geeriyootay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Mudug

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, April 2, 2025 (HOL) – Waxaa saakay xaalad deganaasho ah aan caga badan ku taagneyn laga dareemaya inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax quran oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug, halkaasi oo shalay ay ku dagaalamayeen labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkii Shalay ayaa la sheegay iney ku dhinteen in ka badan 10 ruux oo isugu jira labada dhinac, iyadoo tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Dadka ku dhaawacmay dagaalkii Shalay labada malesshiyo beeleed ku dhexmaray Galbeedka gobolka Mudug ayaa dhaawacyadooda loo kala qaaday magaalooyin ku kala yaala deegaanada Galmudug iyo Puntland.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya goobahii Shalay lagu dagaalamay ayaa sheegaya in wali labada dhinac isku hor fadhiyaan deegaanada ay ku dagaalameen, waxaana jirto cabsi laga qabo in marwalba uu dib u qarxo dagaalka.

Dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed ayaa ah mid salka ku haya muran la xiriira cida maamuleysa Jiicboor oo ah haatan dhul abaar ah oo aysan ka muuqan nacfi lagu dagaalamo.

Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in lagu baajiyo dagaalkaan dib uga dhex qarxay labadaan beelood ee walaalaha ah ee wada dega Galbeedka gobolka Mudug.

Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).