11.7 C
London
Thursday, October 30, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo caasumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Ruushka si uu uga qeyb galo Shirka Moscow iyo Jaamacadda Carabta

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, April 28, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lasoo gaarsiiyay dhambaalka casumaadda inuu ka qeyb galo shirka u dhaxeeya Dowladda Ruusha iyo Madaxda Ururka Jaamacadda Carabta oo dhowaan la filaayo inuu ka dhaco magaalada Moscow.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Villa Somalia ku qaabilay Mr. Mikhail L. Bogdanov, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Afrika ayuu ka guddoomay caasumadda.

Labada Mas’uul ayaa sidoo kale waxa ay kawada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Ruushka.

Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Butin ayaa ku dhawaaqay inuu ku martigelinayo wadamada Jaamacadda Carabta magaalada Moscow si ay is kula meel dhigaan qadiyadda dhowr ah.

Butin ayaa arrimahaani kala hadlay Madaxweynaha Dalka Cumaan oo booqday magaalada Moscow todobadkii lasoo dhaafay waxaana waxyaabaha miiska saaran qeyb ka ah arrimaha Gaza, Syria iyo Ruushka inuu balaariyo saxiibadda uu kuleeyahay wadamada Carabta.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).