
Hogaankii Dhismaha Ciidanka Boliiska ee qaabilsanaa Hirgelinta Dhismayaasha Dawladda iyo Horumarinta Adeegyada kaabayaasha waa uu jiray magac ahaan shaqaduna waxa ay aheyd mid xadidan.
Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa G/le Sare Axmed Xusseen Maxamed u magacaabay dhawaan Hogaanka Dhismaha waxaana markiiba uu ka howlgalay diyaarinta qorshaha uu Hogaankan ku howlgalayo isagoo kaashanaya khubaro uu Taliyuhu uu xushay dib u howlgelinta shaqadii uu Dawladda u hayey.
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa Taliyaha gudoonsiiyey ruqsadda uu Gobalka Banaadir uu Hogaanka Dhismaha uga howlgeli karo si uu doorkiisa uga qaato Hirgelinta Dhismayaasha iyo dib u habeynta xarumaha loogu adeego Bulshada ee Gobalka Banaadir ku yaala.
Dib u howlgelinta Hogaanka Dhismaha ayaa soo celinaya Nidaamka Dawladnimo ee dhinaca Dhismayaasha Dawliga iyo awoodii uu Hogaankaasi ulahaa fulinta adeegyadaasi.






