
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay caddeyneyso horumar la taaban karo oo loo qaaday dhinaca xasilloonida, nabadda, iyo iskaashiga la xoojiyey ee gobolka Harooyinka Waaweyn.
“Dowladda Soomaaliya waxay si qoto dheer u amaaneysaa dadaallada joogtada ah ee labada dal ee ku aaddan wadahadalka iyo diblomaasiyadda. Waxayna si gaar ah u bogaadinaysaa doorka muhiimka ah ee Dowladda Mareykanka ka qaadatay fududeynta wadaxaajoodyadan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqday in ay aaminsan tahay in nabad waarta iyo xasillooni laga helo DRC iyo Rwanda ay si toggan u saameyn doonto amniga gobolka, kobaca dhaqaalaha, iyo horumarinta nolosha malaayiin qof oo ku nool Harooyinka Waaweyn.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay dhowrista mabaa’diida sharciga caalamiga ah iyo qiyamka aasaaska u ah Midowga Afrika, oo ay kamid yihiin: ilaalinta madax-bannaanida dalalka, xallinta khilaafaadka si nabad ah, iyo is-ixtiraamka dowladaha xubnaha ka ah.
Heshiiskan oo qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo rabshadaha bariga DRC, ayaa yimid laba maalmood ka dib markii Qatar iyo dowladda Maraykanka ay dhexdhexaadin lama filaan ah ka dhex dhigeen labada dal.
DRC iyo fallaagada M23 oo ay taageerto Ruwanda ayaa muddo dheer ku dagaamayay Bariga dalka DRC, iyadoo M23 ay qabsatay magaalooyin muhiim ah oo ku yaal bariga dalkaas, halkaas oo ay ku dhinteen kumannaan kun.






