11.7 C
London
Thursday, October 30, 2025

Booliiska Somaliland oo ka digay calamo aan ahayn ka Somaliland oo lagu arkay baraha bulshada

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, April 27, 2025 (HOL) – Booliiska Somaliland ayaa sharci-darro ku tilmaamay calamo ay ku qoran yihiin magacyo beeleed, kuwaas oo ay dadka qaar baraha bulshada ku baahiyeen ka hor munaasabadda 18-ka May.

Taliyaha Ciidanka Booliiska, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan ‘Cabdi Dheere’, oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ciidamada booliisku sharciga la tiigsan doonaan cid kasta oo lagu arko calan aan ahayn ka Somaliland.

“Maalmahan waxa aynu baraha bulshada ku aragnay calamo aan sharci ahayn oo ay dadku sitaan, taas oo sharci-darro ah. Ciidanka booliiska waxaan amarnay inay qabtaan cid kasta oo sidata, lana horgeeyo sharciga. Dalkeenuna wuxuu leeyahay calan qaran oo kaliya,” ayuu yidhi Taliye Cabdi Dheere.

Waxa uu intaas ku daray in xilligan lagu jiro u diyaar garowga munaasabadda 18-ka May, oo kaliya calanka Somaliland la qaadan karo, suuqyadana lagu iibin karo, isla markaana aysan bannaaneyn in la soo bandhigo calamada xisbiyada.

Dadka isticmaala baraha bulshada, oo qaarkood mucaarad ku ah xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa baahiyay muuqaallo ay ku labisan yihiin calamo lagu xardhay magacyada beelo gaar ah, iyagoo sheegay inay 18-ka May si gaar ah ugu dabaaldegi doonaan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).