
Ciidamada ayaa howlgalka si gaar ah ugu beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen, waxaana halkaas labada dhinac ku dhexmaray dagaal qaatay ku dhawaad hal saac oo xiriir ah.
Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeeshee si rasmi ah looma oga inta uu dhan yahay khasaarah dhabta ah ee dagaalka.
Saraakiisha howlgalka hogaaminaysay ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in kooxdu jab xoogan gaarsiyeen, islamarkaana ay wali wadaan baacsiga firxad xubnaha Al-shabaab.
Weerarkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maleeshiyaadka Al-shabaab horaantii bishaan la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Aboorey oo ka mid ah deegaanadii laga xureeyay kooxda laba sano ka hor.






