10.1 C
London
Wednesday, October 29, 2025

Qarax Miino oo ka dhacay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, April 22, 2025 (HOL) – Wararka ka imaanaya Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya inuu goor dhow ka dhacay Qarax nooca miinada ah goob ku dhow maqaayad yar oo kuwa lagu shaaxa ah oo ku taala Laamiga weyn ee Degmada Dayniile.

Goob Joogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Miinada Qaraxeeda laga maqlay Xaafadaha ku yaala Degmada, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyay inuu hal Qof oo rayid ah ku Geeriyooday.

Si gaar ah Goobtaan uu qaraxa uu uga dhacay waxaa lagu yaqaanaa inay tahay goob aad u saxmad badan xilliyada Duhuradii iyo Galbihii waxaana maqaayadda agteedi ku yaala Masjid lagu magacaabo Muumino Ceelbuur oo inta badan salaadda Janaasada lagula tukado Meydadka lagu aaso Degmadaasi Dayniile.

Ninka Qaraxa ku dhintay ayay dad Goob Joogayaal ah magaciisa ku sheegeen Caduur Maxamed Bariise sidoo kale waxa ay xaqiijiyeen inay ku dhaawacmeen ilaa 3 qof oo kamid ahayd dadkii maqaayada joogay.

Goobta qaraxa ka dhacay, ayaa waxaa u dhaweed goob ciidamada amaanka gaadiidka ku baaraan ,lamana soo sheegin wax khasaaro ah oo qaraxa kasoo gaaray ciidamada goobta ka agdhawaa.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).