
Wasiir Fartaag ayaa sheegay doorashadii ka dhacday Kismaayo in ay ahayd mid Faaliso ah, isla markaana aysan waafaqsaneyn habraacyada iyo dastuurka dalka.
Wuxuu sheegay in haddii Axmed Madoobe doonayo inuu ka qeyb galo shirka madasha iyo wada-tashiyada siyaasadeed ee dalka, looga baahan yahay inuu si cad uga laabto doorashadaas.
Sidoo kale, Wasiirka Amniga wuxuu sheegay in doorashooyinka golayaasha deegaanka ee nidaamka qof iyo cod laga qaban doono lix degmo oo ka tirsan gobolka Gedo iyo labo degmo oo gobolka Jubbada Hoose ah.
Wuxuu intaas ku daray in haddii Axmed Madoobe uu diido in doorasho laga qabto Kismaayo iyo Afmadow, dowladda Federaalka ay doorashooyinkaas ka qaban doonto lix degmo ee hoos yimaada Gobolka Gedo.






