
Howlgalkaan ayaa ka dhacay galbeedka Deegaanka Kaam-jaroon ee Gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo fadhiisin u ahayd Kooxda al shabaab ee la weeraray.
Saraakiisha howlgalkaan hogaamineysay ayaa shaaca ka qaaday inay ku guuleysteen howlgalka ayna jab gaarsiyaan Kooxdii Al shabaab ay weerareen.
Ilaa 9 xubnood oo horjoogayaal iyo dagaalamayaal iskugu jira ayay cadeeyeen saraakiisha howlgalka hogaamineysay inay ka dileen Kooxda Al shabaab.
Si gaar ah waxa ay xuseen in howlgalka uu ka dhacay Galbeedka Deegaanka Kaam-jaroon ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana maalmihii ugu dambeeyay jiray in Jubaland deganaadedi laga waday howlgallo kadhan ah Kooxda Al-Shabaab.






