11.8 C
London
Wednesday, October 29, 2025

Ciidamada dowladda oo howlgal qorsheysnaa ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, April 21, 2025 (HOL) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysanaa ku burburiyay fariisimo kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaano hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u fuliyeen cutubyo ka tirsan Ururka 64-aad guutada 7-aad ee qeybta 12-ka April oo kaashanaayay  ciidanka Booliiska degmada Wanlaweyn ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Leego iyo Yaaqbari weyne.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa ka hortaga dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-shabaab iyo xaqiijinta amniga guud ee Wanlaweyn.

Saraakiishu maysan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay howlgalka ay ku burburiyeen Saldhigyada maleeshiyaadka Al-shabaab ku lahayeen inta u dhaxeysa Leego iyo Yaaqbari weyne ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Gobolka Shabeellaha Hoose waxuu ka mid yahay gobolada ay sida xoogan uga socdaan howlgalada ka dhanka kooxda Al-shabaab, waxaana howlgalkaan uu kusoo aadaya, iyadoo habeen hore kooxdu weerar culus ka geysatay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).