11.8 C
London
Tuesday, October 28, 2025

Guddiga Doorashada oo sheegay in gacanta lagu soo dhigay Shaqsi isku dayay inuu laba jeer iska diiwaangeliyo Degmada Shingaani

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Axad, April 20, 2025 (HOL) – Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka ayaa sheegay in maanta gacanta lagu soo dhigay Yuusuf Axmed Dhaqane oo ah dable ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu qabtay dagmada Shingaani ee Gobolka Banaadir markii uu marayay isdiiwaangelinta labaad oo si habsami leh uga socota Degmadaasi.

Guddiga waxa ay tilmaameen in Ninkaan uu soo qabtay qalabka casriga ah ee hawsha isdiiwaangelinta codbixiyaasha lagu qabanayo, kaas oo soo saaray macluumaadkiisa oo sheegaya in uu horey isaga diiwaangeliyay isla degmada Shingaani todobaadkii lasoo dhaafay.

Eedeysanaha oo ay gacanta ku dhigeen Booliiska qaabilsan ilaalinta amniga iyo habsami-u-socodka hawlaha isdiiwaangelinta doorashada ayaa waxaa hadda loo gudbiyay xarumaha amniga si baaris dheeraad ah loogu sameeyo.
Sida ku cad xeerarka iyo habraacyada doorashada, waxaa mamnuuc ah in uu qofku isku dayo inuu iska diiwaangeliyo wax ka badan hal goob, haddii ay taas dhacdana waxaa soo qabanaya systemka, sidaas ayuuna qofku ku mutaysanayaa maxkamad iyo tallaabo sharci ah oo gaari karta illaa xabsi.

Wali Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmooyinka Boondheere, Shibis iyo Xamarweyne maalintii 2aad ka socda qaadasha kaararka codbixiyaasha ay Degmooyinkaasi iska diiwaangelinayaan si qeyb uga noqdaan codeeynta doorashada Qof iyo Cod.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).