11.9 C
London
Tuesday, October 28, 2025

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen “Maanta waa maalin weyn oo lagu iloobay dhibaatadii Shalay Al-shabaab ka geysteen Aadan yabaal”

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, April 17, 2025 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafgareen ayaa amaan iyo bogaadin balaaran u jeediyay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa xoogga dalka ee maanta jabka xoogan gaarsiiyay kooxda Al-shabaab.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in dagaalkii maanta ka dhacay deegaanada ku dhadhaw Baydhabo in ciidamadu ku laayeen maleeshiyaad badan oo ka tirsan kooxda.

“Maanta waa maalin weyn oo lagu iloobay dhibaatadii Shalay Al-shabaab ka geysteen Aadan yabaal shacabka Soomaaliyeed ee shalay madaxa kor u qaadi waysana, waxay ku iloobaan ayay sameeyeen ciidamada oo waxay laayeen Khawariij badan, waan ku amaanaya ciidamada talaabada maanata ay qaadeen, iyagoo ah kuwa mar walba u taagan difaaca qaranka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafgareen.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed iney taageero la garab istaagaan ciidamada qalabka sida ee u taagan waqti walba difaaca qaranimada Soomaaliyeed.

“Qof kasta oo Soomaaliya ah, gaar ahaan reer Koonfur galbeed waxaa masuuliyada ka saaran tahay inuu xerto tuutahiisa, qorigiisa qaato oo dadkiisa iyo dalkiisa difaaco” ayuu yiri  Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Hadalka Madaxeynaha Koonfur Galbeed ayaa ku soo aadaya, iyadoo saakay tuulada Burjeed oo ku dhow deegaanka Daynuunay ee gobolka Baay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed, kaasoo lagu dilay dagaalamayaal badan oo uu ku jiro horjooge Ajnabi ah.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).