
Maamulka SSC-Khaatumo, oo la tashaday golayaasha maamulkiisa, ayaa maxaabiistan ku wareejiyay Dowladda Soomaaliya, iyaga oo tilmaamay in maxaabiistu yihiin kuwo duruufo gaar ah ku sugan, si loogu celiyo ehelkoodii.
yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, ayuu Maamulka
SSC-Khaatumo oo la tashaday Golayaasha Maamulka ku wareejiyay Dowladda
Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo kamid ah maxaabiistii lagu qabtay
dagaalkii Somaliland iyo dad reer SSC-Khaatumo Kuwaas oo leh duruufo
gaar ah, Waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya dib ugu celin doontaa
ehelkoodii iyaga oo badqaba” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka kasoo baxay
safarka Ra’iisul Wasaaraha.
Dowladda Federaalku waxay meesha ka saartay in degaanada SSC Khaatumo ay yihiin deegaano lagu muransan yahay. Sidaa darteed, waxay hay’adaha dowladda, kuwa aan dowliga ahayn, iyo saaxiibada caalamiga ah ugu baaqday inay si caadi ah uga howlgalaan degaanada SSC-Khaatumo.
Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in si wadajir ah looga shaqeeyo dib-u-habeynta iyo horumarinta ciidamada SSC-Khaatumo, si loo waafajiyo hanaanka amniga qaranka ee Dowladda Federaalka.
Dowladda Federaalka iyo Maamulka SSC-Khaatumo waxay isku raaceen in si wadajir ah looga shaqeeyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax ka beddelaya nolosha shacabka deegaanka.


