
Shirkaan oo maanta ka furmaya magaalada Antalya ayaa waxa uu socon doonaa seddex maalmood 11ka ilaa 13ka Bishaan April waxaana diirada lagu saaraya arrimaha diplomaasiyadda iyo joojinta colaadaha.
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxman Adam Cali ayaa sheegay in Madaxwaynaha inta uu shirku socdo uu kulamo-doceeedyo la yeelan doonaa qaar ka mid ah madaxda caalamka ee madasha martida ku ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirkaan khudbad kajeedin doona ayaa kaga hadli doona khudbadiisa arrimo ahmiyad u leh xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya kala dhexeeya Turkiga iyo qaar kamid ah wadamada ka qeyb galaya.
Waxa uu kaga sheekeyn doonaa horumaradii ugu dambeeyay ee siyaasadda gudaha Soomaaliya iyo xiriirada Diplomaasiyadeed ay Dowladiisu ay sameeysay.
Waxaa la filayaa in shirka maanta uu furo Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan isagoo madaxda ka qeyb galayaa kala hadli doona xoojinta xiriirada Diplomaasiyadeed ee wadamadaasi kala dhaxeeya Turkiga.