
Maareeye Axmed Macalin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Diyaarada ay saarnaayeen 22 Qof oo Shaqaale ah oo u shaqeeya Qaramada Midoobeey ayna barqanimadii maanta u safreeysay magaalada Baydhabo balse ay u bixi waysay lugta hore ee diyaarada kadibna ay kusoo laabatay Garoonka Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde international Airport.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Diyaaradihii ka bixi lahaa Garoonka ay si dhaqse leh ugu wargeliyeen inay ka kicitimaaan kuwii kusoo wajahnaana lagu wargeliyay in cilad ay ka dhacday Garoonka sidaas darteedna la xiray Run way ga ah oo ah wadada dheer ay diyaaradaha ku ordaan marka ay kacayaan ama soo degayaan.
Waxaa soconayo howlgal diyaarada looga saarayo Garoonka si dib loogu furo Run Wayga ay diyaaradaha kusoo degtaan, waxaana Hay’adda Duulista Rayidka ay shaaca ka qaadey in ogeysiis inuu garoonka xiran yahay loo kala diray ilaa 193 dal.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka waxa uu shaaca ka qaaday in ilaa 5ta Galabnimo suurta gal ay tahay inay xirnaanto dhaq dhaqaaqyda dulimaadyadii imaan jiray Garoonka ilaa ay ka fududaato qaadista Diyaaradaasi oo dhex taala gudaha Run Way ga Garoonka.