Axad,
Ciidamadan oo qaarkood ay wataan Gaadiidka Dagaalka ayaa la arkayay saakay iyagoo u diidaya dadka in ay galaan Suuqa Bakaaraha, waxayna taasi dad badan ku kaliftay in ay dib guryahooda ugu noqdaan.
G/lle C/waaxid Maxamed Xuseen oo Booliska Soomaaliyeed u qaabilsan Xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda ayaa sheegay in sababta Ciidamadaas loo soo dhoobay Waddooyinka gala Suuqa Bakaaraha ay tahay iyadoo shalay Gudaha Suuqa Bakaaraha lagu dilay Shan Ruux oo rayid ah, wuxuuna caddeeyay in Ciidamada Waddooyinkaas lagu arkayo ay yihiin kuwo Ammaanka sugaya.
Suuqa Bakaaraha oo muddo Shan maalmood ah uusan ka jirin ganacsi macno leh oo la sheegi karo ayaa ganacsatada ku leh Mehradaha shaqo waxay ka codsadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka dulqaado Ciidamada ay keentay Suuqa Bakaaraha si ay howlahooda ganacsi u wataan.
Dhanka kalena, Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan laga soo saaray Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa ayaa maanta halkaas dib loogu celiyay, iyadoo sababta dib u celintoodana lagu sheegay in ay deegaanadaas ka soo cusboonaadeen falal nabadgelyo darro ah.
Fariisimada ay Ciidamadan ku laabteen ayaa waxaa ka mid ah Shineemo Cabdi Waayeel, Warshaddii Barafuunka iyo SOS, iyadoo ay xusid mudan tahay in intii ay Ciidamada ku sugnaayeen Fariisimadaas ay Kooxo hubeysan weerar ku qaadi jireen habeen kasta.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qaar badan oo ka mid ah Dadkii deganaa Xaafadaha Degmada Huriwaa ayaa markii ay u adkeysan waayeen Dagaallada joogtada ah ee mar kasta dhexmaraya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda waxay go’aansadeen in ay guryahoodi ka guuraan, isla markaana ay deegaano aan rasmi ahayn ka sameystaan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye iyo Muqdisho iyo Ceel Macaan, walow ay jiraan kuwo dhaqaalaha uu u saamaxay in ay dalkaba isaga dhoofaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






