13.5 C
London
Friday, October 31, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka badbaaday isku day lagu dili lahaa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, September 09, 2007(HOL): Waxaa habeennimadii xalay mar kaliya laga wada maqlay xaafadaha Magaalada Beledweyne qarax Miino oo lagu weeraray Gaadiid uu la socday gudoomiyaha gobalka Hiiraan Yusuuf Axmed Hagar (Dabageed) oo dhawaan Dowladda Federaalku soo magacawday.

 

Qaraxa ayaa dhacay wax yar uun ka hor xili uu gudbay gaarigii uu la socday gudoomiyaha gobalka Hiiraan, waxaana intaas kadib bilaabatay Rasaas xoog leh oo ay ridayeen Ciidamada ilaalada u aheyd guddoomiyaha oo markii dambena dilay Nin rayid ah oo goob ganacsi ku lahaa agagaarka halka qaraxu ka dhacay.

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo gaaray goobta qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in ay heleen waxyaabihii ka haray Miinada  la qarxiyay  oo dhan sida ay hadalka u dhigeen  (Hal kiilo) iyaga oo intaas ku daray in sidoo kale ay arkeen fiilooyin daadsanaa aga-gaarka halka Miinada lagu aasay oo muujineysa ayeey sheegeen Saraakiishu in qaraxu ahaa mid gacanta laga hagayay.

 

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka oo ku aadan isku daygii la doonayay in lagu qaarajiyo Guddoomiyaha gobalka Hiiraan, waana markii ugu horeysay oo Mas’uul ka tirsan maamulka sare ee gobalka lagu qaado weerar la mid ah kii habeenimadii xalay lagu beegsaday gudoomiyaha gobalka oo dhawaanahan  si weyn ugu mashquulsanaa howlo la xiriira sugida Nabad-galyada iyo bur burinta goobihii sida sharci darada ah loo dagay 16kii sano ee la soo dhaafay.

 

Dhanka kale waxaa xusid mudan in halka qaraxii xalay ka dhacay oo ahayd ilinka hore ee guriga ay degan yihiin Mas’uuliyiinta Hay’adaha MSF-Swiz ee maamusha Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne.

 

C/raxmaan diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).