11.7 C
London
Friday, October 31, 2025

Mareykanka oo digniin culus u jeediyay Dowladda Eritrea

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, September 09, 2007(HOL): Dowladda Mareykanka ee Madaxweyne Bush ayaa digniin culus u jeedisay Dowladda Eritrea oo ay ku sheegtay in taageero siiso Argagixisada.

 

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika Haweeneyda lagu magacaabo Jendayi Frazer ayaa sheegtay in Xukuumadda Mareykanka ay uruurineyso Macluumaad horseedi kara in Eritrea lagu daro Liiska Dalalka taageera Argagixisada.

 

Jendayi Frazer waxay sheegtay in joogitaanka Magaalada Asmara ee Guddoomiyaha Golihii Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys ay taasi caddeyneyso in Eritrea ay magangalyo siiso Kooxaha Argagixisada.

 

Mss Jendayi Frazer waxay intaas ku dartay in hadallada Mareykanka ka dhanka ah ee ka soo yeeraya Magaalada Asmara ay yihiin wax aan macno sameynin, isla markaana la iska yiri.

 

Sarkaaladdan Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika ayaa hadalkan ka sheegtay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya kadib wada hadal ay la yeelatay Ra’iisal Wasaaraha Dalkaas Meles Zenawi, kaasi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan Xaaladda Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaana tan Soomaaliya.

Halkan ka dhegeyso

Hadalka Jendayi Frazer-BBC

 

Mar ay ka warbixineysay kulan ay la qaadatay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo ay isla soo qaadeen Arrimaha Soomaaliya waxay sheegtay in ay isla garteen iyada iyo Meles Zenawi in horay loo sii wado waxyaabihii ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta ahaa ee dhawaan lagu soo gebagebeeyay Magaalada Muqdisho.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hadalka Jendayi Frazer ayaa wuxuu yimid kadib markii shalay Dowladaha Mareykanka, Itoobiya iyo Soomaaliya lagu cambaareeyay Shirka loogu magac daray Dib u Xoreynta Soomaaliya ee ka socda Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea, kaasi oo hadal saxaafadeed laga soo saaray lagu sheegay in Mareykanka uu Itoobiya u ogolaaday in ay Soomaaliya ku duusho, isla markaana uu Mareykanka weli raali ka yahay Dhibaatooyinka ka dhacaya Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).