Axad, September 09, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa 24-kii Saac ee aynu ka soo gudubnay waxaa lagu dilay dad tiradooda ku dhowdahay 10 ruux, kuwaasi oo qaarkood ay ka mid ahaayeen mas’uuliyiinta Laamaha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Shan Ruux oo Rayid ah ayaa shalay lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn sababtii loo dilay, inkastoo warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ay sheegayaan in qaar ka mid ah Shantaas Ruux ee la dilay ay alaabo ganacsi ah u geyn jireen Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan, sababtaas darteedna loo dilay.
Sidoo kalena habeenkii xalay ahaa ayaa labo Ruux oo Rayid ah waxay ku geeriyoodeen gudaha gaari Bus ah oo ay la socdeen kadib markii sida la sheegay ay rasaas ku fureen Koox aan la aqoonsan oo tooshash watay.
Sidoo kalena Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay xalay dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Saldhigga Degmada Huriwaa, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn sababta ay u dileen Askarigaas u shaqeynayay Dowladda.
Ugu dambeyntiina, Waxaa xalay lagu dilay Xaafadda Suuq Bacaad ee Magaalada Muqdisho Guddoomiyihii Laanta Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid oo lagu magacaabi jiray Suudi Wehliye Dhuxul, kaasi oo dadkii yaqiinay ay sheegeen in uu ahaa Nin Da’ ah.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca iska hor-imaadyo hubeysan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee gacanta siinaya iyo weliba dilal loo geysanayo Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo ay ku jiraan Dadka Bulshada Indhaha u ah oo aan ka soo qaadan karno Aqoonyahannada, iyadoo la xusuusto in dhawaan Muqdisho lagu dilay Prof. Maxamed Axmed Xuseen (Dhoobaale) oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta Machadka Maamulka iyo Maareynta SIMAD ee ku yaala Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






