Sabti, 
 
Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa waxay Nin Da’ dhexaad ah ku dileen Suuqa Bakaaraha inta u dhaxeysa Qeybaha Safirka Doollarka iyo Dahabka, kaasi oo la sheegay in madaxa looga dhuftay ilaa Shan Xabadood.
 
Dad ka dhawaa halka uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in arkayeen ninkani oo dhulka ku sii dhacayay, iyagoo ka gaabsaday in ay sheegaan sababta loo dilay ama ciddii dilkiisa ka dambeysay.
Nin kale oo Rayid ah ayaa isna maanta waxaa lagu toogtay Isgoyska Howl-Wadaag ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo isna la sheegay in ay dileen kooxo Bastoolado ku hubeysnaa. Dilalka loo geystay labadan Nin ee Rayidka ah ayaa waxay qeyb ka yihiin falal amni darro ah oo ka jira Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
 
Dhanka kalena, Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa inta u dhaxeysa Isgoysyada Baar Ubax iyo Black Sea ayaa waxaa lagu weeraray ilaa Seddex Qarax oo loo adeegsaday Bambooyinka Gacanta laga tuuro, kuwaasi oo ay ku dhaawacmeen labo Ruux oo Rayid ahaa.
Ciidamada Dowladda Federaalka ee lagu weeraray inta u dhaxeysa Isgoysyada Baar Ubax iyo 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






