13.5 C
London
Friday, October 31, 2025

Ergooyinka Shirka Asmara oo ka wada hadlaya Istaraatiijiyad Mileteri oo lagu wajahayo Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 08, 2007(HOL): Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka loogu magac-daray Shirka Dib u Xoreynta iyo Dib u soo nooleynta Soomaaliya ee ka socda Magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa waxay ka wada hadlayaan Istaraatiijiyad Mileteri oo lagu wajaho Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.

 

Afhayeenka Shirkaas Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa Warfidiyeennada ugu sheegay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea in shirka oo ay ka qeybgelayaan 350 ruux oo ka kala socda Maxkamadihii Islaamka, Xubnaha Baarlamaanka Xorta ah iyo Aqoonyahanno ka yimid dalka Dibaddiisa sidoo kale looga hadlayo Barnaamijyada Siyaasadeed ee dhinacyada shirka ka qeybgelaya, “Shirka waxaa lagu mideynayaa dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya ee ku soo duulay Soomaaliya, waxaana laga wada hadlayaa sidii Soomaaliya looga xoreyn lahaa Ciidamada Itoobiya”ayuu yiri Afhayeenka Shirka Asmara.

 

Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsanaa Baalramaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in uu horay u ahaa xubin Baarlamaan, balse uu haatan yahay Qof u ololeynaya sidii Ciidamada Shisheeye looga saari lahaa Soomaaliya. Afhayeenka waxaa uu intaas ku daray in Ergooyinka Shirka ka qeybgelaya ay rajo wanaagsan ka qabaan in ay shirka ka soo baxaan natiijoyin nabad u horseeda Soomaaliya.

 

“Waxaa Soomaaliya horay loogu soo qabtay 16 shir, kuwaasi oo qaarkood aan badankood ka qeybgalay, Waxaan Khibrad u leeyahay Shirarka Soomaaliya loo qabto sidaas darteed waxaan qabaa in shirkan uu leeyahay awood lagu xoreyn karo Dalka Soomaaliya”ayuu yiri Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

 

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ee seddex sano jirka ah oo shirkan Asmara ka socda uu dhan ka yahay ayaa waxay ku eedeysaa Maxkamadihii Islaamka iyo Hoggaamiyayaal Qabiil oo ay is-baheystaan in ay ka dambeeyaan Weerarrada iyo Amni darrada ka jirta Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).