Sabti, September 08, 2007(HOL): Dadka ku dhaqan Degmada Huriwaa e Gobolka Banaadir oo tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah ay la wareegeen gacan ku heynta Muqdisho ku jiray xaalad amni darro ah oo ka gedisan tan guud ee ka jirta magaalada Muqdisho ayaa haatan waxay sheegayaan in laga dulqaaday culeys Ciidan oo in muddo ah dul saarnaa.
Dadkani ayay neef weyn ka soo fuqday kadib markii ay inta u dhaxeysa Deegaanka SOS, Warshaddii Barafuunka iyo Isgoyska Ex-Koontarool Balcad ay ka guureen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo habeen kasta uu dagaal dhexmari jiray Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Qaar badan oo ka mid ah Dadkii deganaa Xaafadaha Degmada Huriwaa ayaa markii ay u adkeysan waayeen Dagaallada joogtada ah ee mar kasta dhexmaraya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda waxay go’aansadeen in ay guryahoodi ka guuraan, isla markaana ay deegaano aan rasmi ahayn ka sameystaan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye iyo Muqdisho iyo Ceel Macaan, walow ay jiraan kuwo dhaqaalaha uu u saamaxay in ay dalkaba isaga dhoofaan.
Col. Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) oo ah Taliyaha Howlgelinta Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in go’aanka looga raray Ciidamada Dowladda Federaalka Xaafadaha Degmada Huriwaa uu ka yimid Talisyada Ciidamada Dowladda, kuwaasi oo u baahnaa in Ciidamadii deegaannadaas ku sugnaa ay howl kale u diraan.
Taliyaha waxaa uu iska diiday in sababta Ciidamadaas loo raray ay la xiriirto weerarrada habeen kasta ay ku qaadi jireen Kooxaha ka soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, wuxuuna sheegay in Ciidamadan ay markoodii horeba ahaayeen kuwo guur-guura oo mobile ah, kuwaasi oo la geeyo hadba meeshii looga baahdo.
Ugu dambeyntiina, Dadka ku dhaqan Xaafadaha Degmada Huriwaa oo xalay ku hoyday jawi nabadgelyo ah ayaa waxay sii codsadeen in sidoo kale laga raro Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku jira Warshaddii Baastada, kuwaasi oo haatan ay u arkaan caqabadda kaliya ee ka heysata in ay si xor ah u dhaqdhaqaaqaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






