Sabti, 
Waxaa saakay dib u bilowday howlihii ganacsiga Suuqaas, iyadoo la arkayay Dad fara badan oo ku sii qulqulaya Suuqa, kuwaasi oo isugu jira Dad Suuqa Adeeg ka soo doontay iyo kuwo mehrado ganacsi ku leh, kuwaasi oo aan goobahooda ganacsi furin muddo seddex maalmood ah.
Deganaanta uu ku soo laabtay Suuqa Bakaaraha ayaa timid kadib markii uu Guddiga Ganacsatada Suuqaas uu mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka uu xiriir kala sameeyay sidii Suuqa looga saari lahaa Ciidamo tiro badan oo gebi ahaanba joojiyay Dhaqdhaqaaqyadii Ganacsi.
Dadka Muqdisho ku dhaqan ayaa soo dhaweeyay Tallaabada ay Taliyayaasha Ciidamada Dowladda Federaalka Ciidamada uga saareen Suuqa Bakaaraha, taasi oo suurtagelisay in ay dib u bilowdaan dhaqdhaqaaqyadii Ganacsi.
Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa waxaa beryahan si weyn uga dukaameysta Dadka Muqdisho iyo weliba dadka kale ee ku dhaqan Gobollada Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo iibsanaya Raashinkii ay Bisha Ramadaan isticmaali lahaayeen.
Waxay ahayd markii labaad oo uu Suuqa Bakaaraha noqdo meel ay Ciidamo ka taliyaan tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu noqday Suuq ay Soomaaliya oo dhan ku xiran tahay, wuxuuna dhawaan soo maray 18 maalmood oo Qaraxyo iyo iska hor-imaadyo ay ka dhacayeen kadib markii ay gudaha Suuqa isku haleeleen Dhalinyaro Bambooyin tuura iyo Ciidamada Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






