13.4 C
London
Friday, November 7, 2025

Iska hor-imaad hubeysan oo xalay ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, September 05, 2007HOL): Iska hor-imaad hubeysan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa uu ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir.

 

Iska hor-imaadkan oo bilowday 9:30kii habeennimo ayaa wuxuu u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo fariisin ku lahaa halka lagu magacaabo Shineemo Cabdi Waayeel ee Xaafadda SOS iyo Kooxo hubeysan oo joogitaanka Ciidamadaas ka soo horjeeda.

 

C/naasir Axmed Macallin oo degan nawaaxiga halka uu dagaalka ka dhacay ayaa u sheegay HOL in ay labada dhinac isugu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, isagoo carrabka ku dhuftay in aaney jirin cid ogaan kartay khasaaraha dagaalka ka dhashay sabab la xiriirta dagaalka oo xili habeen ah dhacay, dadkana aan loo ogoleyn in ay guryahooda ka soo baxaan.

 

Xaafadda uu dagaalkii xalay ka dhacay ayaa seddex habeen oo hore waxaa ay ahayeen kuwo degan oo aysan wax iska hor-imaadyo ka jirin, walow xaafadaha Ex- Koontarool Balcad, Suuqa Xoolaha iyo SOS ay noqdeen aag dagaal oo ay mar kasta ku dagaalamaan Ciidamada Dowladda Federaalka oo mar mar gacan ka hela Ciidamada Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Inta badan dadkii deganaa xaafadahaas ayaa waxay u qaxeen duleedyada Magaalada Muqdisho sida deegaannada Galgalato, Gubadley, Shiikh Cali Cabdulle, Xaawo Cabdi, Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo Afgooye, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadkaas ay la soo deristay nolol xumo kadib markii ay guryahoodii uga soo baxeen nabadgelyo darro aawgeed.

 

Dhanka kalena, Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dilay Sarkaal ka tirsana Ciidamada Nabad-Sugidda Soomaaliyeed, kaasi oo ay toogteen Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa, waa sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmadaas Macallin Cabdulle.

 

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinka dambe waxay noqotay mid ay ka dhacaan iska hor-imaadyo hubeysan, qaraxyo iyo dilal loo geysanayo Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo uu ugu dambeeyay Prof. Maxamed Axmed Xuseen Dhoobaale oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta Machadka Maamulka iyo Maareynta SIMAD ee Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).