13.4 C
London
Friday, November 7, 2025

Dagaal xooggan oo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxo hubeysan ku dhexmaraya Suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img


Arbaco, September 05, 2007HOL): Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa wuxuu ka socdaa Qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

 

Dagaalkan oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu ka bilowday Guri ku yaala Qeybta Dawada Suuqa Bakaaraha, kaasi oo ay doonayeen Ciidamo Boolis ah in ay baaraan, iyadoo kadibna ay Ciidamada bambooyin ku soo tuureen Kooxo hubeysan oo gurigaas deganaa.

 

Rasaas goos goos ah ayaa weli laga maqlayaa halkii uu dagaalka ka bilowday saaka aroortii, iyadoo gebi ahaanna ay maanta xiran yihiin goobaha ganacsi ee ku yaala Suuqa Bakaaraha.

 

C/waaxid Maxamed Xuseen oo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed u qaabilsan Xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda, isla markaana dagaalkan ka hadlay ayaa sheegay in dagaalkan uu u dhaxeeyo kooxo nabadgelyo darro ka waday maalmihii tegay Gudaha Suuqa Bakaaraha iyo Ciidamada Dowladda Federaalka, wuxuuna caddeeyay in ay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay ku gadaaman yihiin Guri ay ku jiraan Kooxaha la dagaalamaya Ciidamada Dowladda.

 

C/waaxid Maxamed Xuseen waxaa uu sheegay in kooxaha ka soo horjeeda Ciidamada Dowladda ay adeegsanayaan Bambooyinka gacanta laga tuuro, taasi oo qaraxeeda laga maqlayo meelo fog fog, wuxuuna iska diiday in ay Ciidamada Dowladda la kulmeen iska caabin xooggan.

 

Waa Dagaalkii ugu horeeyay oo maalin cad Muqdisho ku dhexmara Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha Hubeysan ee ka soo horjeeda tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay soo af-jarmeen dagaalladii dhacay bilihii Maarso iyo April ee aynu ka soo gudubnay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dad badan u shaqo tegi jiray Suuqa Bakaaraha ayaa saaka qaarkood waxay iska joogaan guryahooda, halka kuwo kale oo rajo ka qaba in ay goobahooda ganacsi furtaanna ay la’ yihiin qaab ay u galaan Suuqa Bakaaraha sabab la xiriirta iyadoo waddooyinka gala Suuqa ay joogaan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo mararka qaarkood Rasaas cirka u ridaya, si aysan dadka ugu soo dhawaanin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).