13.4 C
London
Friday, November 7, 2025

Jaaliyadda Beesha Xawaadle ee Switzerland oo baaq ka soo saartay Colaad labo beelood ku dhexmartay Deegaannada Maxaas iyo Wabxo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, September 04, 2007(HOL): Kulan balaaran oo ay ka soo qeyb-galeen Jaaliyada Beesha Xawaale ee  Switzerland gaar ahaan magaalada Berm ayaa waxaa looga wada hadalay armo la xiriira colaada ka taagan qeybo ka mid ah Gobalada Hiiraan iyo Gal-gaduud, gaar ahaan kuwii  ugu danbeeyay ee dhawaan dhaxmaray beelaha kala degan Degmooyinka Maxaas iyo Ceel-buur.

 

Ka qeyb-galyaashu waxaa ay ku sheegeen Colaada wali  ka taagan Gobalada Hiiraan iyo Gal-gaduud in ay tahay mid aan micno sidaa u sii weyn ku fadhiyin sidaa daraadeed looga baahan yahay wax-garadka gudaha jooga in ay ugurmadaan sidii loo soo afjari lahaa, iyaga oo dhinaca kala codsaday in loo sameeyo wacyi galin dadka reer si markaa loo baajiyo dhibaato danbe oo soo laabata .

 

Gudoomiyaha Jaaliyada Eng.C/casiis Axmed C/dule oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dhinacooda ay soo dhaweynayaan dadaalada ka socda gudaha dalka si markaa loo soo afjaro colaada u dhaxeysa labada dhinac, isaga oo intaa ku daray in marka arimahaasi hishiis buuxa laga gaaro loo baahan yahay in la sameeyo gudi la socda hergalinta qodobada laysku afgarto si markaa aysan u dhicin in arimaha halkooda looga dhaqaaqo.

 

Sidoo kale Eng. C/casiis waxaa uu intaa ku daray in mar walba isha lagu hayo dhaq-dhaqaaq dadka reer miiga ah ee ka soo jeeda labada beelood  oo ah ayuu yiri kuwa mar walba salka  u ah dagaalada soo noq-noqda, maadaama wax laysku hayo yihiin deegaan iyo daaqsin la wadaago.

 

Dhinaca kale qeyb-galayaasha kulanka lagu qabtay magaalada Berm ee dalka Switzerland waxaa  ay isla soo qaadeen Arimaha dhaqaalaha, Bulshada, iyo Siyaada ee Gobalka Hiiraan oo ah sida kulanka laga sheegay mid aan  hagaasineyn, gaar dhinacyada Caafimaadka Wax-barashada iyo kaabadihii muhiimka u ahaa isku socda bulshada oo ah kuwo siweyn u bur bursan Walow hada uu shaqeynayo Isbitaalka Guud ee magaalada Beledweyne.

Ex. Duuliye Sare Axmed Max’ed Shuuriye oo ka mid ah oo ka mid ah ka qeyb-galyaashii kulanka lagu qabtay Magaalada Berm ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan kulamada looga hadlayo colaada ka taagan Gobalada Hiiraan iyo Gal-gaduud ee ka dhacaya qeybo ka mid ah gudaha dalka iyo dibada intaba, waxana uu intaa raaciyay  Duubabka dhaqanku in ay anbaqaadaan hergalinta baaqayada ka soo baxaya wax-garadka labada beelood.

 

Qoraalkan ayaa waxaa soo gaarsiiyay HOL Xubno ka tirsan Jaaliyada oo ay mid yihiin Ex.Duuliye Sare Axmed Max’ed Shuuriye, Eng. C/casiis Axmed C/dule, C/kariin Diini Max’ed, Cabadi Max’uud Koronto, Eng. Xuseen Xasan Xiirey, Max’ed Xuseen Madaxey, Salaad Max’uud, Mu’xiyadiin Xasan Dhaqane, C/risaaq Ibraahim iyo C/naasir Aadan Xubur. Mana ahan kulankii ugu horeyay oo sidan oo kale looga wada hadlo colaada ka tagaan qeybo ka mid ah Gobalada Hiiraan iyo Gal-gaduud.

 

Jaaliyada Beesha Xawaadle ee Switzerland.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).