13.4 C
London
Friday, November 7, 2025

Mustaqbalka Ganacsi ee Suuqa Bakaaraha oo Mugdi sii gelaya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, September 04, 2007(HOL): Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn ee Soomaaliya ayaa wuxuu noqday mid lagu ugaarsado oo lagu dilo Dadka Rayidka ah ee Suuqaas u shaqo iyo adeeg taga.

 

Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa sheegay in uu mugdi sii gelayo Mustaqbalka Ganacsi ee Suuqa Bakaaraha, wuxuuna taasi sabab uga dhigay dilalka loo geysanayo dadka Rayidka ah.

 

Cali Dheere waxaa uu sheegay in haddii ay sii socdaan dilalka laga geysanayo gudaha Suuqa Bakaaraha ay taasi keeni doonto in uu gebi ahaanba xirmo Suuqa Bakaaraha, isla markaana ay Dadka ku ganacsada ku kala guuraan.

 

Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) waxaa uu cambaareeyay kooxaha ka dambeeya dilalka loo geysanayo Dadka Rayidka ah ee aan waxba galabsan, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah la isaga kaashado sidii loo joojin lahaa amni darrada ku soo korortay Suuqa Bakaaraha.

 

Maalintii shalay ahayd oo ugu dambeysay ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha waxaa lagu dilay Prof. Maxamed Axmed Xuseen (Dhoobaale) oo ka tirsanaa Mas’uuliyiinta Machadka Maamulka iyo Maareynta SIMAD, kaasi oo dileen rag Bastoolado ku hubeysnaa. Sidoo kalena waxaa isla Suuqa Bakaaraha shalay lagu dilay labo Ruux oo kale oo mid ka mid ah la sheegay in uu dhawaan ka yimid Dalka Dibaddiisa.

 

 Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).