Talaado,
Dadka ku dhaqan Degmada Dhuusa-mareeb ayaa saakay ku waabariistay iyadoo ay magaalada ku jiraan Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata Gaadiidkooda dagaalka iyo kuwa Ciidamada qaada ee loo yaqaano Ural-ka.
Odayaasha Degmada iyo Saraakiisha Hoggaamineysa Ciidamadan ayaa lagu soo waramayaa in ay wada hadallo leeyihiin, iyagoo ka wada hadlaya Arrimaha Ammaanka Degmadaas oo dhawaan uu dhacay iska hor-imaad sababay dhimasho iyo dhaawac.
Lama garanayo ujeedada ay Ciidamadan u tageen Degmada Dhuusa-mareeb, waxaase la ogaa in ay Ciidamo Itoobiyaan ah horay u joogeen Deegaanka Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Ugu dambeyntiina, Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ayaa waxay ku sugan yihiin Gobollada dhexe ee Soomaaliya, iyadoo Ciidamadaasna ay halkaasi gaareen kadib markii ay ka awood roonaadeen Ciidamada Maxkamadihii Islaamka oo iyagu deegaannadaas ka talinayay muddo lix bilood ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






