13.5 C
London
Friday, November 7, 2025

Uganda oo UN-ka ka codsatay in uu Ciidamo geeyo Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, September 04, 2007(HOL): Dowladda Uganda ee Madaxweyne Yoweri Kaguto Museveni ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay in ay Ciidamo u dirto Soomaaliya, si ay u bedelaan Ciidamadeeda awoodi waayay howshii loo xilsaaray ee ahayd sugidda nabadgelyada iyo soo celinta kala dambeyntii Soomaaliya.

 

Danjiraha Dowladda Uganda u fadhiya Qaramada Midoobay Mr. Francis Butagira ayaa codsaday in howsha Ciidamo dirista ay UN-ka ay ku dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan, si ay Ciidamadooda ugala baxaan Soomaaliya.

 

Hadalka Danjirahan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Baarlamaanka iyo Shacabka Uganda ay ku heystaan madaxweyne Yoweri Museveni in uu Wadan halis ah u diray Ciidamada Uganda, sidoo kalena ay Wadamo dhowr ah oo la filayay in Ciidamo u diraan Soomaaliya aysan weli soo dirin Ciidamadii laga sugayay.

 

Ciidamada Uganda ayaa bartamaha bishii May ee aynu ka soo gudubnay waxaa Muqdisho looga dilay Afar Askari kadib markii ay ku qaraxday Miino nooca la hago ah oo wadada dhinaceeda loo geliyay, waxaana sidoo kalena Qaraxaas Miino ku dhaawacmay shan Askari oo kale, kuwaasi oo dhaawacooda loo qaaday Dalka Uganda.

 

Ciidamada Uganda ayaa tan iyo markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho waxay ka howlgalaan Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Xarunta Madaxtooyada iyo Isgoyska KM4, iyadoo sidoo kalena ay qabtaan howlo gurmad Bani’aadannimo ah oo laga xusi karo biyo dhaamin ay u sameeyaan Dadkii Muqdisho ka barakacay iyo weliba Daweyn lacag la’aan ah oo ay u sameeyaan Dad badan oo Reer Muqdisho ah oo aan heysan lacag ay ku tagaan Isbitaallada sida gaarka ah loo leeyahay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, hadalka ka soo yeeray Danjiraha Uganda u fadhiya UN-ka ayaa wuxuu ku soo hagaagayaa iyadoo dhawaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay go’aamiyeen in ay Ciidamada Uganda Muqdisho sii joogaan muddo lix bilood ah oo hor leh, iyadoo waqtigaas kadibna ay howsha kala wareegi doonaan Ciidamo ka socda UN-ka.

 

 Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).