Axad, September 30, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka dhacay dilal loo geytay Dad Rayid iyo weliba Qarax lala beegsaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Seddex Ruux oo Rayid ah ayaa maanta waxaa lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha oo maalmahan ahaa meel maalin kasta lagu dilo dad rayid ah, iyadoo dilka seddexdan Ruuxna ay ka dambeeyay kooxo Bastoolado ku hubeysnaa.
Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa wuxuu muddooyinkan dambe ahaa mid lagu dilo dadka Rayidka ah, iyadoo aan ilaa iyo haatan la ogeyn sababta ay kooxaha dilalka geysta u dilayaan Dadkaas, weliba iyadoo lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Sidoo kalena Suuqa labaad ee Muqdisho ee Suuq Bacaad ayaa maanta waxaa lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabi jiray Col. Cabdi Xaaji Axmed Dhega-balac, kaasi oo la sheegay in ay toogteen kooxo bastoolado ku hubeysnaa.
Dhanka kalena Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgallo ka sameynayay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lala beegsaday Qarax loo adeegsaday Miino dhulka lagu aasay, wuxuuna qaraxaas sababay dhaawaca Qof rayid ah oo ka dhawaa halkii uu Qaraxa ka dhacay.
Ugu dambeyntiina, Magaalada Muqdisho ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ahayd mid degan oo aaney wax iska hor-imaadyo ah ka dhicin, inkastoo habeen hore ay magaalada Muqdisho ahayd mid aan xasilooneyn oo ay ka dhaceen Dagaallo xooggan oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






