12.3 C
London
Monday, October 27, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Nin rayid ah ku dilay, Tiro kale oo Dad ahna ka kaxeystay Xaafadda Towfiiq

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, September 30, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa waxay dil u geysteen Nin Rayid ah oo ku sugnaa Xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, iyagoo sidoo kalena halkaas ka kaxeystay Dad 20 Ruux ku dhawaa.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa ninka rayidka ah dilay kadib markii Ciidamadaas oo marayay Xaafadda Towfiiq lagu tuuray waxyaabo qarxa, iyadoo kadibna ay ceyrsadeen Ninka ay dileen oo sida la sheegay ka cararay Qaraxa dhacay, kaasi oo ay ku dhex dileen guri uu galay.

 

Falis Maxamed Cali oo ehello la ah ninka la dilay ayaa sheegtay in markii qaraxa dhacay kadib uu guriga u soo galay marxuumka oo ay ceyrsanayeen Ciidamo Itoobiyaan ah kuwaasi oo marxuumka ku dilay sariir uu hoos galay.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa sidoo kale waxay dad tiradooda ku dhowdahay 20 ruux saaka ka kaxeysteen Xaafadda Towfiiq, gaar ahaan halkii ay qaraxa loogu geystay, ilaa iyo haatanna lama oga meeshii ay dadkaas la aadeen, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dadkaas lagu hayo gudaha Garoonka Kubadda Muqdisho Stadium.

 

Ugu dambeyntiina, Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa mar kasta oo weerar lagu qaado ama qaraxyo lala beegsado waxay si naxariis la’aan ah ula dhaqmaan dadka degan xaafadaha lagu weeraro, iyagoo aan dadka u kala soocin Dad dembi leh iyo kuwo aan xitaa dembiyo laga maleysan karin oo biri-ma-geydo ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).