13.5 C
London
Friday, November 7, 2025

Prof. Maxamed Axmed Xuseen (Dhoobaale) oo maanta Muqdisho lagu dilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, September 03, 2007(HOL): Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa daqiiqado ka hor waxay sii deysay war ku saabsan in gudaha Suuqa Bakaaraha lagu dilay Prof. Maxamed Axmed Xuseen (Dhoobaale) oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta Machadka Maamulka iyo Maareynta SIMAD ee magaalada Muqdisho.

 

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka marxuumka, kuwaasi oo markii ay dilka geysteen kadib baxsaday. Dilka loo geystay Professorka ayaa wuxuu noqonayaa dilkii seddexaad oo maanta ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha, waxaana saakay barqadii Busteejada laga raaco Gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Wanla-weyn lagu dilay labo ruux oo rayid ah.

 

Suuqa Bakaaraha ayaa muddooyinkan dambe wuxuu noqday mid aanu ammaankiisa sugneyd, iyadoo ay ka dhacaan qaraxyo lala beegsanayo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo dilal loo geysanayo Dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, iyadoo ay Dilalkani iyo Qaraxyo lala eeganayo Ciidamada Dowladda Federaalka ay dhacayaan ayay sheegayaan Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya in Ammaanka Magaalada Muqdisho uu yahay mid xasiloon, sida uu ku waramay C/waaxid Maxamed Xuseen oo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed u qaabilsan Xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda. C/waaxid wuxuu sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay aysan wax dhibaato ah ka dhicin magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in ay deganaantaas timid kadib markii ay maalmihii la soo dhaafay howlgallo sameynayeen Ciidamada Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).