13.5 C
London
Friday, November 7, 2025

Milkilayaasha iyo Darawallada Gaadiidka Muqdisho oo mid aan sax ahayn ku tilmaamay amar ka soo baxay Dowladda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, September 03, 2007(HOL): Milkilayaasha iyo Darawallada Gaadiidka BL-ka ah  Muqdisho isaga kala goosha ayaa mid aan sax ahayn ku tilmaamay amar ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ahaa in Gaadiidka loo sameeyo Buugga lahaanshaha iyo Warqadaha Ruqsadaha Kaxeynta Gaadiidka.

 

Maxmed Axmed Nuur oo ka mid ah Milkilayaaha leh Gaadiidka BL-ka ah ee isaga kala goosha Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ku mahadsan tahay in ay soo saarto amarkaas, balse uu isagu u arkayo amarkaas in uu yahay mid lala soo hordhacay oo aan waqtigiisa la soo saarin.

 

Maxamed Axmed waxaa uu sheegay in sameysashada Buugga Lahaanshaha Gaadiidka  iyo weliba Warqadda Ruqsadda kaxeynta Gaadiidka ay tahay mid sharci ah, hayeeshee aysan jirin Waddooyin dhisan, Ciidamadii Taraafikada iyo Nalkii kaalinayay ee Traffic Light-ka, sidoo kalena ay mararka qaarkood dhacdo in ay gaadiidka maraan xaafadaha dhexdooda kadib marka ay Waddooyinka Biyo xiraan amaba Gaadiid ku rogmaday.

 

Yuusuf Cabdi Mowliid oo isna ka mid ah Darawaliinta Magaalada Muqdisho ayaa isna sheegay in amarka ka soo baxay Dowladda Federaalka uu yahay mid la soo saaray waqti aan ku habooneyn, wuxuuna sheegay in marka la helo amni iyo kala dambeyntii ay shaqeyn karaan awaamirtaas.

 

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa faray Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka in ay muddo 3 bilood gudahood ah ay ku diiwaangeliso Gaadiidka isaga kala goosha Soomaaliya, sidoo kalena ay u sameyso Buugga lahaanshaha iyo weliba Warqadda Ruqsadda kaxeynta Gaadiidka.

 

Si kastaba Arrinta ha ahaatee, Milkilayaasha iyo Darawallada dhaliilaya amarka ka soo baxay Dowladda Ferderaalka Soomaaliya ayaa waxay mararka qaarkood la kulmaan dhibaatooyinka u baahan in sharcigaas oo kale lagu maareeyo, gaar ahaan marka ay Gaadiidka isku dhacaan iyo marka Gaadiidka la kala dhaco xiligaas oo ay ku kala baxaan Xeer jajab iyo wax aan sharci ahayn.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).