13.5 C
London
Friday, November 7, 2025

Labo ruux oo maanta lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, September 03, 2007(HOL): Labo ruux oo rayid ah ayaa maanta lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha, gaar ahaana Busteejada laga raaco Gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Wanla-weyn.

 

Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in labada nin ay dileen Rag Bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo markii ay dilka geysteen kadib baxsaday. Dilka labadaas Nin ayaa wuxuu qalqal geliyay ganacsigii ka socday nawaaxiga halka uu dilka ka dhacay, waxayna ganacsatada qaarkood ay irdaha u laabeen goobahooda ganacsiga.

 

Suuqa Bakaaraha ayaa muddooyinkan dambe wuxuu noqday mid aanu ammaankiisa sugneyd, iyadoo ay ka dhacaan qaraxyo lala beegsanayo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo dilal loo geysanayo Dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Dhanka kalena, Xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa habeenkii xalay ahaa deganeyd, iyadoo aysan dhicin wax dagaallo ah oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

 

Afhayeenka Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka u qaabilsan la xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa wuxuu sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay aysan wax dhibaato ah ka dhicin magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in ay deganaantaas timid kadib markii ay maalmihii la soo dhaafay howlgallo sameynayeen Ciidamada Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).